Weriye Tima Cadde oo u geeriyooday dhaawacigii loo gaystay

Weriye Tima Cadde oo u geeriyooday dhaawacigii loo gaystay

Allaha u naxariistee waxaa  isbitaalka Madina ee magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya ku geeriyooday wariye Maxamuud Maxamad Tima-Cadde,oo xaaladiisa caafimaad lagula tacaalyay halkaasi.

Tima-Cadde ayaa ka mid ahaa weriyayaasha ka howl gala xafiiska Tv-ga Universal ee magaalada Muqdisho ayaa kooxo hubeysan waxa ay maalintii talaadada oo ay taariikhdu aheyd 22kii bishan dhaawac khatar ah ugu geysteen degmada wada jir ee magaalada Muqdisho.

Wariye Tima-Cadde ayaa shantii maalmood ee la soo dhaafay waxaa xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayay isbitaalka madina.

Wariye Tima Cadde ayaa waxaa lagu wadaa in  lagu aaso Muqdisho, waxaana aaskiisa ka qeybgalaya madax ka tirsan dowlada Soomaaliya bulshada Soomaaliyeed iyo wariyayaasha..

Share This Post

Post Comment