Uganda iyo Ethiopia oo dad Soomaali ah lagu xir xiray

Uganda iyo Ethiopia oo dad Soomaali ah lagu xir xiray

Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia iyo qeybo ka mid ah gobalka Soomaalida degto ayaa waxaa ka socda hawlgalo ballaaran oo ay ciidamada ammaanka ku soo qabqabteen dad badan oo Soomaali ah oo aan sharci lahayn.

Hawlgaladaan ayaa sida wararku sheegayaan qeyb ka ah dhaq dhaqaaq ay wadaan ciidamada ammaanka oo lagu adkeenayo xasiloonida dalkaasi ka dib weerarkii dhicisoobay ee ka dhacay magaalada Addis Ababa todobaadkii la soo dhaafay.

Waxaa iyana sidoo kale magaalada Jig Jiga dhacay habeenadii lasoo dhaafay hawlgalo ballaaran oo ay wadaan ciidamada Booliiska ee hoostaga is maamulka Soomaalida ee Ethiopian.

Dhinaca kalena wararka ka minaanaya dalka Ugandha ayaa sheegaya in maalmihi lasoo dhaafay sidoo kale laga bilaabay hawlgalo ku aadan wax loogu yeeray ka hortaga argagaxisada, waxaana jira dad gaaraya 12 qof oo Soomaali ah oo ay ciidamada ammaanka u xireen arrimo kala duwan.

Masuuliyiin u hadlay dawladahaan ayaa sheegay in qab qabashadaan lagaga hortagayo weeraro laga cabsi qabo in kooxda Al shabaab la beegsato wadamada ay ciidamadooda ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya.

Arrintan ayaa caqabad weyn iyo cabsi horleh ku noqotay boqolaalka kun ee Soomaalida ah ee ku nool wadamada bariga Afrika kuwaasi oo muddo dheer halkaasi qaxooti ku ahaa.

Xafiiska wararka Waayaha.net

Share This Post

Post Comment