Qudbada Qalin Jabinta Ardyada UOH EE 2012-2013, oo aan ugu talo-galay maadama aanan u helayn fursada aan kaga hadlo Goobta in ay ka faa’idaysato Ardayda, Xukumaddu iyo cid kasta oo danaynaysa,

1.      Salaanta madashaha;

Anigoo ku hadlaya afka Ardayada Jaamacadda Hargeysa waxa aan halkan ka salaamayaa, Madaxweynaha, Wasiiradda, Barlamaanka (Wakiiladda & Gurtida), Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa, Maamulka UOH, Shaqaalaha UOH, Martisharafta kale, wax aan ku salaamaya salaanta Islaamka SCWW.

  1. 2.     Hambalyanta Ardayda

Anigoo ku hadlaya magaca ardayda UOH waxa aan hanbalyaynayaa Ardayda Qalin-jabinaysa iyo Waalidiintoodii tacabka badan soo geliyay.

  1. 3.     Hogol-tusalaynta ardayda qalin jabisay;

Waxa aan idinku baraarujinayaa in aydinaan ku fakirin in aad shaqo  cid ka sugaan, balse aad la timaadaan qorshihii aad shaqo ku abuuran lahaydeen oo aad u dabaqi lahaydeen aqoontii aad barateenna (kii bartay Beeraha in uu mashaariic beereed samaysto, kii bartay xanaanadda xoolaha in uu xoolaha degsimaddooda iyo naaxintooda mashaariic u samaysto, kii Management bartay in uu ka fakiro sidii uu shirkadd shares ah uu aasaasi lahaa), waayo waad ogtihiin in ay dalka ka jirto shaqo la’aan xoog lihi 700 oo arday ayaad tihiin idinku bilaaba in dhexdiina share isu geysataan kii helaya $500, $1,000, Iwm oo samaysta qorshe aad ku soo jiidanaysaan dadka haysta Saving yar, waana iin aad jabisaan deyrka isfahmi waaga ah ee ka dhex jira dadkii aqoonta lahaa  oo aan ka fakirin sidii ay jeebkooda uga soo saari lahaayeen uguna faa’idayn lahaayeen dadka haysata saving u dhexeeya $1,000-$10,000, kuwaasi oo badankoodu garan la’a waxa ay geliyaan, taasi oo  loo baahan yahay in dawladdu ay gacan ka geysato sidii labadaasi la isu fahamsiin lahaa, anigoo u arka in la abuuro xeerka ganacsiga ee Cooperation Companies-ka kaasi oo damaanad qaadaya nidaam dawladdu ku illaalinayso dadka waxa isku darsaday (saving people) iyo aqoonyahanka u hogaaminaya, kaasi oo keeni lahaa in dhalinyaradu abuurto shirkaddo looga faa’idaynayo dadka haysta lacagta u dhaxaysa $1,000 – $10,000 oo loo abuuri lahaa Shares, halka iminka aad arakaysid mar aan research samaynay oo aan tegay Wasaaradda Ganacsiga iyo Xeer-ilaalintu ay diwaan geliso keliya shirkaddaha Sole proprietorship  and Partners Ship, kuwaasi oo aan helayn lacag badan oo ay maal-gelin ku sameeyaan, Cooperation waa nidaamka uu USA horumarka balaadhan ku gaadhay marka la isu geeyo Aqoonta iyo hantida dadka.

  1. 4.     Qaabka lagu dabooli karo Baahida Jaamacadda U Soo bandhigida Daneeyayasha Jaamacadda (Dawladda, Hay’adaha Samo-falka, Ganacsatadda, Qurbo-jooga martisharafta madasha ku sugan  iyo inta TV kala socota) ;

UOH waa Jaamacad qaran ma aha sida jaamacadaha kale mid laga raadinayo faa’ido (profit), waxa ka jira baahiyo dhinac kasta ah oo ka awood badan Fee-iga yar ee laga qaado, iyadoo aad dareemayso dhibta Mudaharaad ee ay keento mar kasta oo la isku dayo in la kordhiyo Fee-iga, maadaama fee-iga iminka la qaado iyo qorshayaasha ay doonayso in ay fuliso Jaamacaddu aanay is daboolaynin marka loo eego  baahiyaha ka jira UOH waxa aannu soo jeedinaynaa in aad nagala qayb qaadataan oo ay dawladduna miisaaniyada ugu darto 2014 korodhsiimo intii hore ka roon, qurbo joogu in bishii $5 ugu tabarucaan, ganacsatadu Sakkada in yar oo ka mid ah ugu deeqaan waa meelaha ay ku baxayso Masjidka iyo Aqoontuba, Hay’adaha Sama-falka ee ka shaqeeya war-barashada in ay ka caawiyaan buugagta iyo qalabka, ardaydii ka qalin jabisay jaamacadda ee shaqeeya ka qayb qaatan $5 bishii, iyadoo habkaasi uu yahay ka keliya ee lagu dabooli karo baahida Jaamacadda lagagana bixi karo kordhinta fee-iga, iyadoo qaadhaankaasi loo samayn doono A/C (fundraising Account) looga ururiyo, iyadoo lagu fulin doono marka la dhamaystiro qorshe laga samayn doono baahida jamacadda oo ay iska kaashan doonaan ta ay iminka maamulku sameeyeen iyo Guddi arday ah oo ra’iyigoodu yahay in la daboolo baahida balaadhan ee ka jirta Jaamacadda oo aannu ka xusi karo;

ü  In ay jiraan ardayd wakhtigu u saamixi wayay in ay sii wadan waxbarashadoodi duruufo dhaqaale awgeed, kuwaasi oo u baahan in laga hawl-galo sidii waxbarashadi dib loogu soo dabaali lahaa, waayo wakhtiga qofna lama dhalan wax dhacday in arday laga bixin jiray qofkii ka bixin jiray ee ehelkiisa ahaa uu shaqo beelo ama Walidkii oo hanti lahaa ay xoolihi ka baxan.

ü  Sidoo kale yaa lagu halaynayaa ardayda waalidiintoodu danyarta yihiin ee aan awoodi karin in ay fee-iga jamacada ka bixiyaan ubadkooda gaar ahaan kuwas suuqa fadhiista ee la daala-dhacaya nolol maalmeedkooda, kuwaasi oo dugsiga sare (fasalka 4aad) kaga hadha wax barashadda bal u fiirso sannad kasta inta ka soo baxda fasalka 4aad tiradooda iyo inta nasiibka u hesha in ay Jaamacadda galaan tiraddooda farqi weyn ayaa u dhexeeya waana arrin u baahan in wasaaradda tacliintu research ka samayso, waxa aan maamulka UOH ku dhiiri galinayaa madaama ay jaamacadani ku magacaaban tahay jaamacaddii qaranka, in uu qorshe ka yeesho in ay sannadkii qaadato 700 Arday oo ah kuwa saboolka ah, kuwaasi oo qaab imtixaan cadaali ah lagu soo xulanayo, madaama aan la wada dabooli karin baahida ardaydaasi oo aad u badan, dawladda iyo cid kasta oo danaynaysaana waxa aan u soo jeedinayaa in ay Jaamacada gacan ku siiyaan budget-kii ku bixi lahaa ardaydaasi.

ü   In lagu daboolo Baahiyaha ka jira jamacada sida; Buugagta Faculties-ka, Dhisme library  labaad si loo kala saaro akhriska iyo calculation oo dhibaato ka jirto, kuraasta iyo misaanta oo duugoobay, dhismayaal cusub oo ay u baahan tahay si loo daboolo baahdida ardayda iminka la qaato iyo kuwa qorshaha mustaqbalka haddii lagu guulaysto fundraising-kaasi ardayda saboolka lagu daboolayo, in Library laga dhigo computeralized.

ü  In kor loo qaado duruufaha dhaqaale ee macalimiinta iyo shaqaalaha Jamacadda oo aan wakhtigan la jaan-qadi karin heerka noloshu marayso wakhtigan iyadoo aan wax mushar kordhin ah loo samayn muddo sannado ah.

  1. 5.      Ka Talo-bixinta doorka ay Dawladdu ka caawin karto ardayda kala duwan ee ka qalin jabiya Jaamacadaha Dalka;

Qababka ugu haboon ee dawladdu u dhiiri galin karto shaqo abuurka dhalinyaradda iyo dhammaan dadka shaqo la’aantu hayso, loona kobcin karo dhaqaalaha dalka waxa aan u arkaa;.

ü  In dawladdu samayso Cooperation companies law lagu samaynayo shares taasi oo ah waxa uu ku horumaray Dalka Maraykanku, arrintaasina waxa ay dhiiri-galinaysaa iskaashiga dadka aqoonta leh ee samayn kara shirkaddo iyo dadka Saving-ka samaystay gaar ahaan kuwa haysta hantida u dhexeysa $1,000 ilaa $10,000 ee aan haysan fursado ganacsi oo ay ku abuuri karaan hantidaasi yar, kuwaasi oo aad u badan oo aan haysan fursad ay faa’ido kaga dhalin karaan taasi oo fursad u noqon lahayd  oo ay heli lahaayeen in lacagtooda looga faa’ideeyo, aqoon yahankuna shaqo loogu samayn lahaa, iyadoo ay ardayduna la iman lahaayeen iyagoo dabakhaya aqoontooda in ay uga faa’ideeyaan oo soo ban-dhigaan barnaamijyo, bal u fiirso Mulkiilayaasha Face book iyo Microsoft waxa ay la yimaadeen Fikir waxanay heleen cid u maal-gelisa.

ü  La keeno qorshe lacagta dhulka la gelinayo loogu jiheeyo maal-gelin, tusaale ahaan dhulka lacagta la geliyay oo qiyaas ahaan noqonaysa dalka oo dhan lacag dhan $800 Million (eeg tusaalahan;  100,000 oo Jago dalka oo dhan X $8,000 Average = 800Million), lacagtaasi haddii lagu maal-geliyo warshaddaha, beeraha iyo xoolaha waxa laga heli lahaa shaqo abuur iyo koboc dhaqaale, sababta kelifta in dhulka uu qofka lacag geliyo waa labo qodob; 1) mid ka baayacmushtareeya markii uu arkay faa’idada xooga ah ee ku jirta maadaama uu waayay waxa kale oo uu geliyo iyo  2) iyo mid u iibsadda sidayda oo kale in hadhow uu isticmaalo oo aan qiimo sare laga siin tusaale ahaan jagddii ku taalay xaafadda 150 sannadkii 2000 waxa ay ahayd $3,000 maantana haddii ay ugu jaban tahay waa $30,000, waana sababta anigaba iyo in kale oo badan ku kalifta in ay dhul mustaqbalka u iibsado si ay uga fogaadan qiimaha sare ee hadhow laga siinayo, tusaale ahaan qofka muddo 7 sanno ururiyay $25,000 ee doonaya in uu guri dhisto ma jago ayuu siista mise guri ayuu ku dhistaa waa waxyaabaha aan aad uga damqado, si arrintaasi xal loogu helo oo dhaqaalaha badan ee dhulku la fadhiyo looga hor-tago, waa in la fuliya damaanad qaadka muwaadinku uu siiyay Dastuurka JSL ee xaqa u siinaya in muwaadin kasta helo Dhul uu dego, dhulkana lagu soo celiyaa gacanta dawladda, iyadoo ay ku filan tahay in la dhaqan-geliyo sharciga oo dhigaya in qofku 6 bilood ku dhisto iyo in qof kasta la waydiiyo taariikhdii uu dhulka lahaa cashuurtoodi taasi oo aanu qofna awoodayn in uu bixiyo cashuurtii ku baaqatay illaa maalintii dalka la soo galay, iyaddoo cid kasta iskaga tegi lahayd maadaama uu damaanad qaad u helayo in uu dawlada ka helo meel uu dhisto marka uu u baahdo, waana qorshe hore loo tijaabiyay Dawladda hoosena ay ku hantiday dhulka laga dejiyay Xaafadda Killinka 5aad iyo Maxamuud Mooge. Aniguna diyaar ayaan u ahay in aan u hogaansamo fulinta sharicga oo aan wareejiyo dhulkaygaasi oo aan ugu horeeyo waa  haddii aan helayo damaanad qaadka Dastuurku I siiyay.

ü  Qaabka looga faa’daysanayo Xoolaha oo ah Shidaal dhulka dushiisa saaran, si shaqo abuur loogu sameeyo Ardaydan iyo dhammaan kuwa shaqo la’aantu hayso, in la dhiiri-geliyo dhaqashadda Xoolaha oo aan u arko in ay yihiin shidaal muuqda oo qiimo ahaan u dhigma shidaalka aynaan habkiisaba haynin ee aynu ku garaadsanay 1960 iyadoo la leeyahay waa la soo saarayaa, sida looga faa’idaysan karo waa in la helo saddex (3) riig oo qodi karaa illaa 300 illaa 500 oo ah halka biyaha loogu tegi karo dhulka hawdka oo ku haboon xoolo dhaqashada, iyaddo la casriyayn lahaa fursadna loo heli lahaa in xoolaha la fadhiisiyo oo la naaxiyo, si uu qiimahoodu kor ugu kaco oo u gaadho illaa $200 Neefkii, lana mid noqdo foostada shidaalka ee aynu ku hamiyayno 53 sannadood in la soo saaro, isla markaana dhinacyo kale wax soo saarka Xoolaha looga faa’idaysan lahaa dhawr nooc sida; Dhoofin, Cadkooda oo warsheddo loo samayn lahaa, istimaalka caanahooda oo lagaga raysan lahaa kuwa qasacadaha ee debadda laga soo dhoofiyo lana samayn lahaa warshaddo qasacadeeya iyo qaar caano maraaci ka sameeya, wershaddo ka faa’idaysta Haraga oo ka samayn lahaa Kabo, shandado, Iwm,

ü  Qaabka loo kordhin karo dhaqaalaha Dalka qof kastana u noqon karo cashuur bixiye; maaha in aynu wax-uun ku dheganaano waa in aynu nooqna dad Mu’alif ah (Creation people) oo System Democracy ee aynu qaadanay waxa ku soo kordhin kara oo aynu waxa ka bedelno oo aanaynaan sidiisa uun u haysan, Maraykanka waxa aan u arkaa in uu kufsaday Democracy waxa igu maqaalo ah habkan Electro call ee lagu saleeyo Kuraasida States-ka ay tahay mid ka soo bilaabantay sidii magaalooyinkaasi dhaqaalahoodu ahaa wakhtigii la bilaabay oo aan dib loo bedelin waanay ku haboon tahay marka la eego dhaqankooda, laakiin inaga dhaqan-keena kuma haboona waxana loo baahn yahay fursadaasi inaga oo ka faa’idaysanayna waa in aynu arrintaasi casriyayno taasi oo lagaga bixi karo qabyaalada oo dadku is-gobolaysi ku xisaabtami lahaayeen lana xoojin lahaa is-dhex-galka, maadama cabasho gobolada qaarkood ka jirtay markii Ratio-yada lagu soo gelayo Baarlamaaanka qaadanay, habka keliya ee cadaalad ku heli karaan cid kasta, laguna kordhin karo dakhliga qaranka waa in aynu ku salaynaa Economically; tusaale ahaan ratio gobol kasta wixii uu qaranka cashuur ka helay 5 sanno in lagu siiyo kuraasida Wakiiladda iyo Guurtiga, fadlan ha u turjimin masaladan si khaldan oo aan u jeedo Berbera ayaa ugu dakhli badan oo helaysa Vote badan, ogsoonow ma jirto caalamka dawlad ku xisaabtanta dakhliga export & Import waxa aynu ka dhigaynaa Dekedda Berbera Free Port wixii ay gudaheeda dakhli ka hesho ayay ku xisaabtamaysaa oo Vote-keeda lagu salaynayaa taasi oo ay kala mid noqonayso Gobolada kale, taasi waxa aan u arkaa in ay  dawladu dakhliga ku kordhin karto kuna abuuri karto mashaariic shaqo loogu abuurayo dhalinayaradda jamacadaha ka soo baxda iyo muwaadiinta kale ee shaqo la’aantu hayso, isla markaana lagula dagaalami lahaa qabyaalada oo qaab is-gobolaysi ah looga gudbi lahaa.

  1. La dagaalanka Qabyaaladda oo ah aafo qaran oo burburisay dhaqaalaha dalka, haddii la fuliyo waa sabab lagu kordhin karo dakhliga, laguna xoojin karo is-dhex galka bulshada; tusaale ahaan Jaamacadda Hargeysa waxyaabaha aafeeyay ee loo aaneeyo ee muranka badan ka keena oo laga dhisi kari waayay horumarka jaamacadda iyo Student Union oo waxa badan la qaban lahaa Maamulka, waxa ka mid ah qabyaalada aad ayay u fududahay burburinta arrintaasi shaqsiyan waan isku daday in aan fuliyo oo aan baadho waxa keena, waa sidan;

ü  Ardayda: marka loo dirayo Assignment isu raaca intii is-garanaysa ee dugsi ka soo wada baxday,  waanad garan kartaa  qaabka loo dego Xaafadaha Hargyeysa, halkaasi oo ay xifiltanku ka bilaabo isuna bedelo qabyaalad illaa ay gaadho in macalinka la isku diro oo la xulafaysto foolxumooyin waaweyn oo arday xaqiisa uu ku waayayo ay ka dhacdo, sida loo saari karo oo aan ku tijaabiyay Class 3C iyo 3D waa fududahay waana in marka uu Macalinku dirayo Assignment in uu fuliyo in uu ardayda qaab bakhtiya nasiib ah isu raaciyo taasi oo xoojinaysa is-dhex galka, hoosna u dhigaysa xifiltanka.

ü  Degsiimooyinka magaalooyinka; si dawladdu ula dagaalanto waa in ay xoojisaa qaabka  degsiimooyinka Dhulka oo ay la soo noqotaa dhulka in ay gacanta ku hayso dhulka sida uu dastuurka JSL dhigayo, qof kastana halka uu jecelyahay in uu dego maahee la siiyo meel kale si loo xoojiyo is-dhex-galka oo dib-u-habayn lagu sameeyo Daamaha qabyaalada loo degay oo intii isku reeriba dhinac u martay arrintaasi oo dhibteeda leh qarankuna aanu ka tisqaadi karin. Sidoo kale waxa ay dawladda Dhexe iyo Hoose ay ka heli lahayd dakhli tusaale ahaan qofkii dhul u baahan in dawlada hoose ka qaado $500 waa dhulka rasmiga ah ee Dhismaha dhagaxa ah laga dhigayo taasi oo dabooli lahayd baahi kharash oo ka taagan WAdooyinka magaaladda dhexdeeda iyo Biyoomareenda (dreanage) in ay guryuhu helaan.

ü  Presidency Direct Election without Party; In darstuurka lagu kordhiyo arrintaasi taasi oo fursad u siin lahayd dad badan oo wax is bidaya oo aan fursad u helin in ay xisbi hogamiyaan ay kaga qayb-qaadan lahaayeen tartanka Doorashada Madaxweyanaha.

Gebo-gabo:

Qorshahan oo aan ka soo qaatay Buuug aan gacanta ku hayo oo aan u diyaarinayo strategy-iyada mustaqbalka dalka lagu horumarin karo, waxa aan qodobadan hor-dhacaha ah u soo qaatay in aan soo ban-dhigo si cidii uga faa’idaysan kartaa ay uga faa’idaysato,  Waad mahadsan tihiin. Abdikarim Hersi Rooble Senior student UOH Year 2013-2014. Email: ahroble@yahoo.com  FACE BOOK; Abdikarim Roble GM

Share This Post

Post Comment