Mid ka mid ah ajaanibta ka bar bar dagaalamaayey Alshabaab oo la aqoonsaday dalka uu ka soo jeedo!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Mid ka mid ah ajaanibta ka bar bar dagaalamaayey Alshabaab oo la aqoonsaday dalka uu ka soo jeedo!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Mid ka mid ahaa aajinabiyiinta ka bar bar dagaalamaayey Alshabaab ayaa waxaa la sheegay in la aqoonsaday dalka uu ka soo jeedo iyo halka uu ku noolaan jirey ka hor inta uusan ku biiran kooxdaas Alshabaab.

Ninkaan oo ka mid ahaan jirey aajinabiga ka bar bar dagaalama maleeshiyaadka kooxda Alshabaab islamarkaan ku geeriyooday dagaaladaas ayaa waxaa uu dhawaantaan ka soo muuqday cajalad Video ah oo ay soo bandhigtay Alshabaab, ninkaan oo magaciisa Alshabaab uu ahaa  Talxa ayaa magaciisa runta ah waxaa la sheegay inuu ahaa Taufail Axmed ninkaan oo asal ahaan ka soo jeedo dalkaas Bangladesh ayaa waxaa uu ku noolaan jirey oo uuna ku soo barbaarey dalkaas Ingiriiska gaar ahaan bariga magaalada London, ninkaan ayaa waxaa filimkaas ka muuqday asaga oo ku dhiirigalinaaya muslimiinta ku nool dalka Ingiriiska inay ku soo biiraan jihaadka ninkaas ayaa waxaa uu ka mid noqday maleshiyaadka kooxda Alshabaab sanadkii 2008, laakiin ninkaas ayaa waxaa la sheegay in sanadkii 2012 inuu ku dhintay dagaalkaas iyadoona ay wararku sheegayaan inay geeridiisa lala xiriirinaayo weeraro ay ku lug lahaayeen ciidaamada wadamada Mareykanka iyo Ingiriiska.

Ugu dambeyntiina iyadoo ninkaas Bangladesh- Britishka ah uu ku geriyooday dalkaas Soomaaliya ayaa qaar ka mid qoyska ninkaas uu ka dhashay waxay sheegeen in geerida ninkaas muusuuliyadeeda ay leedahay dowlada dalka Ingiriiska iyagooona sheegay inay geerida ninkaas ay ku soo wargaliyeen ciidamada sirdoonka dalkaas ayagoona walibana intaas u raaciyey in loo aasay sida muslimka ama hab maamuuska dadka muslimka ah loo aaso,  Qaar ka mid ah muslimiinta dalkaas Ingiriiska ayaa la sheegay inay u soo kiciyimaan dalka Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan waxa loogu yeero jihaadka.

Halkaan ka daawo: http://www.youtube.com/watch?v=2xhAu4oSQ8o

Abdirizak M. (Xiireey)

Holland

Abdirizakxiireey@hotmail.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

© 2013 Microsoft

Terms

Privacy & cookies

Developers

English (United Kingdom)

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Share This Post

Post Comment