Golaha wakiiladda Puntland oo la kala diray

Golaha wakiiladda Puntland oo la kala diray

Madaxweynaha Puntland  Dr Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa maanta hoolka shirarka ee golaha Wakiilada Puntland kaga dhawaaqey in uu kala direy Xildhibaanadii Puntland ee beelaha Puntland dega iska soo xuleen.

Golaha wakiilada ee maanta la kala direy ayaa xilka loo dhaariyey dhamaadkii sanadkii 2008, waxaana ay ahayd in ay xilka hayaan muddo afar sano ah, Shirkii ansixinta dastuurka ayey ku darsadeen iyaga iyo xukuumadda Puntland hal sano oo dheeraad ah.

Shirkii Maanta lagu kala direy Golaha Wakiilada waxaa ka soo qaybgalay Madaxweynaha Puntland, qaybo ka mid ah Golaha Wasiirada, Saraakiisha Ciidanka iyo marti sharaf kale oo badan,iyadoo ay maqnaayeen qaar ka mid ah golaha wakiilada.

Ugu horey waxaa shirka furey guddoomiyihii golaha Wakiiladda oo ka sheekeeyey, qaababkii ay soo mareen iyo sida caadadu ahaan jirtey in Xilka ay ahayaan uu maanta ugu danbayso.

Golaha wakiilada ee Puntland ayaa ka kooban 66 Xildhibaan,iyadoo qaar ka mid ah raggan la kala diray muddo dheer ay golaha ka soo tirsanaayeen xilkoodana aysan waayin.

Dhiciisana M/weyne Faroole ayaa sheegay inuu rajaynayo in badankood dib u soo laaban doonaan.

Waxaa kale oo intaasi raaciyey Madaxweynaha Puntland in caawa xaflad weyn la qaban doono taas oo uu ka jeedin doono khudbad dheer, isla markaana loo dabaaldegayo hawlihii badnaa ee golaha Wakiiladu qabteen.

Waxaa tar tan xooggan loogu jiraa sidii loo kala jiidan lahaa 66 xubnood ee hadda la soo dooran doono,waxaana la filayaa doorashada soo aadan ee Puntland inay noqon doontii tii ugu adkayd ee abid soo marta geyigasi.

Xafiiska wararka Waayaha.net

Share This Post

Post Comment