Fawsiyo Xaaji Aadan oo eedayn kulul loo jeediyey

Fawsiyo Xaaji Aadan oo eedayn kulul loo jeediyey

Wasiirada Arimaha Dibada Fowsiyo Xaaji  ayaa lagu eedeeyey iney bartilmaamadeysaneyso danjirayaasha ka soo jeeda Puntland, Kana illaalineyso safaaradaha iyo Wasaaradaba

Siyaasiga lagu magacaabo Cabdullahi Cosoble ayaa Dacwad ka dhan ah Fowsiyo Xaaji Aaden u gudbiyey Madaxweyne Xasan Sheikh, Cosoble oo ka mid ah Xildhibaanada Dowla Federaalka isla markaasna ka mid ahaa Musharixiintii la tartamay Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa banaanka soo dhigay in Wasiirada Arimaha Dibada ay bartil maamadeysatay Dublamaasiyiinta Reer Puntland oo ay shaqada ka eryeyso.

Cabdulqadir Cosoble ayaa intaasi raciyey in wasiiradu ay wasaarada Arimaha dibada Ka xaalufineyso shaqsi walba oo Puntland kasoo jeeda.

Waxa iyana sidoo kale ku eedeeyey iney ka caga jiidey su’aalo Baarlamaanku ka waydiiyey Xafiis la sheegey iney Soomaaliland ka furatey Itoobiya oo laga taagey Calan aan ka soomaaliya ahayn.

Cabdulqaadir Cosoble wuxuu hoosta ka Xariiqey in Arimahaan ay sii fogaynayaan xiriirka Villa Soomaaliya iyo Puntland, wuxuuna Cosoble raaciyey in arintaan ay Puntland kaga gar heleyso Dowlada.

Dhowaan ayey ahayd kolkii Fowzia ay Kulan la qaatay wax garad ka soo jeeda beesha Dhulbahante magaalada London,waxaana ay si lama filaan ah u tiri “Kansarka Soomaaliya ku jiraa waa beesha ma majeerteen” taasi oo meesha muran weyn ka aloostay laguna kala kacay.

Dr Faisal Rooble oo ka mid ah Siyaatida Soomaalida kuna nool dalka Maraykanka ayaa dhowaan sheegay haddii qaabka wax u socdaan aan wax laga badalin in safaaraduhu noqon doonaan kuwa qabiil ku salaysan aanna la aamin doonin.

Xafiiska wararka Waayaha.net

Share This Post

Post Comment