Farxad iyo dareen baan ku ciidaynaa!

mucda hadalkaAxmed-yaasiin Max’ed  Sooyaan.

Ciid Mubaarak! Waa Ciid weyneey, waa ciiddii  Xaj-ul-Akbar! Caruurta waxay labada ciid ugu kala yeeri jireen Ciid-weyneey (Ciid-ul-adxaaga) iyo Ciid-yariisay (Ciid-ul-fidhri), waa maalintii weynayd, Alle ha ka aqbalo xajkooda martidii Raxmaanka ee shalay Carafah taagnaa! Waan hubaa in xujaydii Soomaaliyeed ee shalay Carafah taagnaa inay Soomaaliya u soo duceeyeen! Waana hubaa in walwalka ugu weyn ee qof kasta oo xil-kas ah oo Soomaali ah uu yahay halka ay ciribta dadkiisa iyo dalkiisa ku dambayn doonto!….

Waa waalaac aan wada qabno, farxad kasta oo aad dareento iyo raynrayn kasta oo aad gasho waxaa kaa goyniya walaac noocaas ah, waa CIID! Lsaakiin walaacaas aan soo tilmaamay wali jiraa, shakina iigama jiro in qof kasta oo innaga mid ah uu dareemayo in wax innaga maqanyihiin! Maxaa innaga maqan! Wax weyn baa maqan!

Dadkeena jooga dalka gudihiisa waa ay ciidayaan, waa ay damaashaadayaan  waxaase ku taagan dareen walaac weyn xambaarsan,  walaac asalkiisa ka soo jeeda waxa maqan?! Qofka  salaadda ciidda aaday shaki weyn buu ka qabaa inuu nabad ma ku soo tukan doono kuna soo noqon doono!…waxaa muuqanaysa inaan isu tag iyo isu soo bax weyn jirin magaalooyinka waaweyn ee koonfurta ku yaala, caruurta iyagoo dhar cuscusub qaba baysan guryahooda dhaafi Karin, waxaad moodaa inay ku noolyihiin dal shisheeye, dal qurbaha ah!….tamashlihii iyo xaafadihii isu socon jiray, ciyaarihii dhaqanka ee meelaha qaarkood lagu soo ban-dhigi jiray siiba magaalada Muqdisho xaafadaheeda iyo agagaarkii barlamankii hore  xasuus fogaatay oo qalbiyada dadka ku hartay bay noqdeen! …..

Iyaga ka waran dadka Bara-kacayaasha ah? Qaxooti sokeeye ah, laakiin wali dareemaya xanuunkii qofka qaxootiga ah uu dareemayay intiisii badnayd ama mararka qaarkood ka liita oo dareemaya inuu la hayste u yahay kuwii guryihiisii dumiyay isagana qaxiyay, iyaga uu ka qaxaya una qaxay, La-hayste maxaad u malaynaysaa inuu qofkaas ku ciidayo…..hadiiba isagoo dalkiisii jooga aqoonsanyahay Baare-kace oo ay dadkiisii u aqoonsanyihiin oo mararka qaarkood xaaladda bara-kacayaasha ay u egtahay midda qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen jooga ama ay kaba darnaan karto…

Waan wada ciidaynaa dhammaanteen! Ka waran kuwa qurbaha ku nool, dal aan islaam ahayn oo aan ciidda lagaba aqoon, nin aan macrifo nahay baa wuxuu ii sheegay inuu dhowr maalin ka hor ciidda uu fasax weydiistay nin madax ka ahaa shirkad uu u shaqayniyay oo aan muslim ahayn, markaasaa ninkii ku yiri” maxaad fasaxa ku falaysaa, ciiddii muhiimka ahayd waa la soo dhaafay oo waxay ahayd tii Ramadaanka, tan ma aha mid sidaas muhiim u ah!”….maxaad dareemaysaa marka nin noocaas ah aad fasax uga baahato xilli munaasabad noocaan oo kale ah?!….shaki la’aan waxaad dareemaysaa inay dhibaato kugu dhacday, waxaad dareemaysaa in wax weyn kaa maqanyihiin….goormaan ciid fasax u qaadan jirnay?! DHammaanteen  hal shay baa innaga maqan…..

Ilmaha yar-yar ee ku nool qurbaha waad garan karaysaa ciiddooda nooca ay tahay, siiba wadanka Maraykanka oo qoysaska soo haajiray Immigrants-ka iyo kuwa laga badanyahay magaca loogu yeero uu yahay LOW-IN-COME xataa haddii uu shaqo kasta hayo, Sabool ma magac qof loogu yeeraa?!… ilmaha yar-yar damaashaad kasta oo aad u sameyso waxay dareemayaan maqnaanshaha saaxiibadood oo wali faslladii dhiganaya laakiin waxy ogyihiin marka la gaaro ciidda masiixiga (Christmas-ka) inay dhamaantood fasax dheer fasllada ka qaataan  damaashaadyada maalmahaas dhacana ay ka waaweynyihiin kuwo ay samaysteen qoys yar oo soo haajiray …… waxay arkayaan ardaydii ay fasllada wada dhiganayeen oo safari dalxiis ah iyo qaraabo salaam u ambabaxay magaalooyinkiina cidleeyay!…way ciidayaan waa dhab, waalidkood o jiilkii u horeeyay ah oo dalalkaas yimaada bay la noolyihiin, laakiin aaway mujtamacoodii, ma intaan yare e aan indhaba buuxin Karin baa…maxay dareemayaan?!…

Ka waran dadkeena jooga Sacuudiga! Waa ay ciidayaan! Waa ay dabbaal degayaan, laakiin waxaa ku taagan walaac weyn oo ah ciidda markay dhammaato xujaydana ay noqoto waxaa bilaabanaya RAAF! Aqaamo ma lihid , wuxuu maanka ku hayaa dhibkii uu ka soo maray inuu soo galo dalka Sacuudiga, doonidii uu ku soo tahriibay iyo mugdiyadii badda! wuxuu ogyahay in dad badan oo la socday aan wali la hayn raq ruux meel ay ku dambeeyeen..Raaf! waayadii hore marka lagu soo raafo dal baad lahayd laakiin hadda yaa huba inaad leedahay?! Waa walaac kale!… Askar aan Soomaali ahayn oo qof kasta oo Soomaali ah indho gaar ah ku eegaya ayaa kaa soo horeysa marka xilliga xajka uu sii dhamaanayo waxay isu diyaarinayaan Xabsi-gurigii ay ku jiri jireen inkastoo aan mararka qaarkood isaga xataa laysku daynayn!

Qaxootiga Yemen ku nool intaan ciid iyo damaashaad laga hadlin cabsi joogta ah bay isaga noolyihiin, sida la sheegay qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen ku nool  waxaa iska kaxeysta oo meelo magaalooyinka waaweyn ka baxsan ku xirta oo beeraha ku fasha ama xoolaha raacsada oo qowsaaro ka dhigta dad badow ah o oaf duubta, waxaa sidaasoo kale laga soo sheegaa kufsi, dil iyo xad gudubyo kale oo faro badan, bal dadkaas maxay ku ciidayaan?!…..maxay dareemayaan….ma u malaynaysaa inay ciideen? Waa suuro gal in weyneeyaan shacaa’irta diiniga ah, waa suuro gal in waalidiinta iyo dadka waaweyn ay wax un isku dayaan si ay ilamahooda himaddooda kor ugu qaadaan, laakiin qof xor ahaa, oo deriskiisii qaar la af-duubay, qaar xoog loogu shaqaysto, qaarkood layska dilay, isna ay taasoo kale beri ku dhici karto wax ka celinayana aysan jirin muxuu ku ciidaa?!

Waxaa xusid mudan, anigana aan halkaan uga mahad celinayaa madax-weynaha Puntland Cabdi-Raxmaan Faroole oo isagu socdaalkiisii uu dhowaan ku tegay dalka Yemen  mas’uuliyiinta dowladdaas kala hadlay arrimo badan oo la xiriira sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka loo geysto qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas,…

Itoobiya Soomaalida ku ciidaysa, ammaan ahaan wax dhibaato ah ma qabaan laakiin waxaa aad ugu weyn dareen duug ah oo qoto dheer walina tuhunkiisu uu si aad ah ugu weynyahay shacabka dalkaas, waxaana jira tuhun kale oo aan marna lahayn meel uu ku dhammaado oo ah fara-gelinta Itoobiyo ay ku hayso Soomaaliya, mid baase arrin fiican ah, oo muhimaddeeda leh, in dadka dalkaas in ka badan 50% ay muslimiin yihiin isla markaasna aan midab ahaan laga soocayn dadka dalkaas, laakiin wali waxaa maqan Jawharadddii ciidda!…Qaraxii isniintii (Oktoobar14, 2013) ka dhacay Addis Ababa oo la sheegay inay ku dhinteen laba nin oo Soomaali ah waa dareen iyo dhiilo hor leh oo ku dhacaysa dadka Soomaaliyeed ee Itoobiya ku ciidaya…..walaac !

Kenya, waa marka horee in ka badan 22sano ayaa qaxootigeena joogaa waxaana lagu ammaani karaa inay run ahaantii kala kulmeen soo dhoweyn wanaagsan, sida muuqatana waxay noqotay meesha ugu roon xagga soo dhoweynta qaxootiga Soomaaliyeed, dhaliil waa ay jiraysaa laakkiin meelihii aan u qaxnay Afrika iyo Carrabahaba  waxay kenya  noqotay meesha ugu wanaagsanayd soo dhoweynta qaxootigeena, muddada ay joogaan badnaanteeda waxay tilmaamaysaa soo dhoweynta ay kala kulmeen…waase hubaal inay dareemiyaan maqnaanta QARANIMADII! (Somali Sovereignty ) waxay jeclaan lahaayeen inay ku ciidaan ciiddoodii dalkoodii,  laakiin waxaa maqan wax weyn….

Madaxdeena ka waran?…. mid kasta oo ka mid ah wuxuu diray hambalyo, madax-weynaha ra’iisal-wazaaraha iyo af-hayeenka barlamanka, hasa yeeshee kaalintooda waxay ahayd inay intaas ka weynaato, waxay ahayd inay shacabka walaac tiraan, inay waxyaabo badan ku baaqaan, inay Puntland ugu baaqaan wada hadal, Somaaliland ugu baaqaan inaan la xirin iriddii wada hadalka,, waxa weyn ee maqan waa xil-kasnimadii madaxda dowladda ee horseedi lahayd  sidii loo soo celin lahaa qaranimmadii iyo sumcaddii Soomaaliya ee mahayn in Xasan SHiikh uu maanto codsado in la soo kordhiyo ciidammada AMISOM.

Waxay ahayd in madax-weynaha indhaha kala qaado xaqiiqda si geesinimo leh u abbaaro, qabka uu meel soo dhigo una soo dego halka ay taal danta ummadda.. waa waxa weyn ee innaga maqan.. waxay ahayd inuu ka jawaabo waxyaabo badan oo ay Puntland ku eedayso ee ma ahayn inuu is-dhaafiyo ama inkiro….waxay ahayd inuu ka jawaabo waxyaabo badan oo ay gobollada qaarkood sheeganayaan….waxay ahayd inuu u qoslo madaxda iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed…. Waa waxa weyn ee innaga maqan…waxa weyn ee innaga maqan, waligeedna innaga maqnaa waa madaxda dalka oo dhegta u laad-laadsha codka dadka iyo hogaamiyeyaasha kale ee ummadda….Ciid Mubaarak!

Share This Post

Post Comment