Daawo Muuqaal “Gabdhihii Soomaalida ahaa ee ku Sugnaa Dalka Turkiya oo Guursanaya Wiilasha Reer Turkiya iyo Aroos Caalami ah‏

Daawo Muuqaal “Gabdhihii Soomaalida ahaa ee ku Sugnaa Dalka Turkiya oo Guursanaya Wiilasha Reer Turkiya iyo Aroos Caalami ah‏

Haweeney Soomaali ah iyo nin Turki ah oo horey ugu aqal galay magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay inuu mar kale ka dhacay arooskooda dalkaas Turkiga.

Ninkaan Turkiga ah oo magaciisa lagu sheegay Erzurumlu Muhammed Birlik ayaa waxaa las sheegay inuu la aqal galay oo uu guursaday haweeney Soomaali ah oo lagu magacaabo Khadiijo Cali Sahriif, Lamaanahaan oo uu dhex maray jecel ayaa waxaa la sheegay inuu ninkaan Turkiga ah uu gabadhaasi uu weydiistay waalidkii dhalay ayagoona gacmo furan ku soo dhaweeyey ninkaas,  lamaanahaan oo uu arooskeeda horey uga dhacay hoteelka City Palace ee magaalada Muqdisho ayaa mar labaad waxaa uu arooskaasi uu ka dhacay dalka Turkiga si loo baro haweeneydaasi Soomaaliyeed ehelada iyo qaraabada iyo asxaabtaada ninkaas Turkiga ah ee ay aqal galeen.

Ugu dambeyntiina iyadoo lamaanahaas Cusub ee aqal galay ee Soomaalida iyo Turkida ah ay yihiin kuwii ugu horeeyey inta la og yahay wixii ka dambeeyey xiriirka wanaagsan ee dhexmaray dalalka Turkiga iyo Soomaaliya ayaa caruuska guursaday haweeneydaan waxaa uu sheegay inay Soomaalida iyo Turkiga inkasta oo ay yihiin dad kala dhaqan duwan hadana ay yihiin dad muslim wada ah arintaas oo meesha ka saareysa kala duwanaansho, Haweeneydaan Soomaalida ah ayaa waxaa sugeysa howl weyn oo ah la qabsasashada dalka iyo dadka Turkida gaar ahaan barashada luqada dalkaas.

Halkaan ka daawo: http://www.youtube.com/watch?v=E0lExvDHTf4

Abdirizak M. (Xiireey)

Holland

Abdirizakxiireey@hotmail.com

Share This Post

Post Comment