Aabaha dhalay laba gabdhood oo Soomaali ah oo Jihaad u aaday Siiriya oo Waraysi Bixiyay(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Aabaha dhalay laba gabdhood oo Soomaali ah oo dhawaantaan ka tagey dalka Norway una kicitimay dalka Siiriya si ay uga qeyb galaan dagaalka jihaadka ah ee dalkaas ayaa waxaa uu sheegay in gabdhihiisa loogu heysto qafaalasho gudaha dalka Turkiga iyadoona

Aabahaan oo lagu magacaabo Saadiq Cabdulaahi oo 38 sano jir ah oo dhawaantaan soo gaaray magaalada Antakya ee gobolka Hatay ee dalkaas Turkiga oo ah magaalao ku taala xuduudka dalkaas la leeyahay dalka Siiriya si uu labadiisa gabdhooda oo lagu kala magacaabo Ugbad oo 19 sano jir ah iyo Raxmo oo 16 sano jir ah uu dib ugu celiyo dalka Norway oo ay uga soo kicitimeen si ay uga qeyb qaataan waxay ugu yeereen jihaadka dalkaas Siiriya ayaa waxaa uu sheegay inuusan cidna ka garaneynin dalka Turkiga asagoona la yaab ka muujiyey lacag jaceylka dadka Turkiga ah oo uu sheegay in information kasta ama wax yar oo walba oo laguu sheegaayo lacag lagu weydiisanaayo asagoon intaas raaciyey in macluumaadka loo sheegaayana aysan ahayn kuwo wax tar leh oo ku hogaamin karo halka ay ku sugan yihiin gabdhihiisa ka maqan, ninkaan oo werraysi ku siiyey dalkaas Turkiga telefishinka VG Nett ee dalkaas Norway ayaa waxaa uu sheegay inuu filaayo in labadiisa gabdhood ay gacanta ugu jiraan kooxo burcad ah oo ayna u heystaan qafaalsho ayagoo ku doonaayo inay ku helaan lacag madax furasho ah si ay u sii dayaan labadaas gabdhood ee walaalaha ah ee jahaadka u aaday dalkaasSiiriya..

Ugu dambeyntiina iyadoo aabaha dhalay gabdhahaasi uu sheegay inuu ku go’doonsan yahay dalkaas Turkiga islamarkaana aysan jirin dowlada caawinaad u fidisay ayaa waxaa uu sheegay inuu rumeysan yahay in gabdhisiisu ay wali ku sugan yihiin gudaha dalka Turkiga oo si qasab ah loogu heysto halkaas iyadoona markii hore lagu soo xero galiyey inay caawiyaan qaxootiga dhibaateysan ee dalkaas Siiriya,  Aabahaan ayaa waxaa uu sheegay inuu goobtaas uu kala kulmay waalidiin badan oo kala yimid wadamada Qatar, Kuweyt, Sacuudi Carabiya iyo wadamo kale oo caruurtooda dib uga helay halkaas, Aabahaan ayaa sheegay inay dowlada Norway ay ka gaabisay inay u fidiso wax caawimaad ah asagoona sheegay marka laga reebo qaar ka mid ah booliiska dalkaas oo xiriir la soo sameeyo si ay wax uga ogaadaan xaaladiis aysan jirin cid kale oo ka socoto dowlada dalka Norway oo arintiisa iska xil saartey,  Aabahaan ayaa sidoo kale sheegay inay tahay xaalada uu ku sugan yahay mid qatar ah asagoona intaas raaciyey inuu ka gudbi doono xaduuda oo uu geli doona dalka Siiriya hadii ay u cadaato inay gabdhihiisu ay halkaas ku sugan yihiin.

Halkaan ka daawo : http://www.youtube.com/watch?v=KuabNDiE4fk

Abdirizak M. (Xiireey)

Holland

Abdirizakxiireey@hotmail.com

Share This Post

Post Comment