Taliyaha ciidanka sirdoonka Kenya oo Bbaarlamaanka looga yeeray iyo xog la helay

Taliyaha ciidanka sirdoonka Kenya oo Bbaarlamaanka looga yeeray iyo xog la helay

Kenya(WNT)–Taliyaha ugu sareeya Ciidamada Sirdoonka Kenya ayaa wajihi doona su’aalo ay weydiinayaan Baarlamaanka dalkaasi kuwaasi oo la xiriira Weeraradii dhawaan ka dhacay Magaalada Nairobi gaar ahaan Suuq Ganacsi oo lagu Magacaabo Westgate Mall.

Sarkaalkaani ugu sareeya Ciidanka Sirdoonka Kenya waxa ay Baarlamaanka Kenya su’aalo ka weydiinayaan sida aaney ula socon sirdoonku abaabulka iyo qorsheynta weerarkaasi ay u dajiyeen Al Shabaab.

Xog hoose oo la helay ayaa tilmaameysa ka hor inta aanu Al-Shabaab weerarkaasi geysan ay Dukaan ka kireysteen Suuqaasi kaasi oo ay ku keydsadeen Hub iyo saanad badan una  sahlay weerarkoodi Westgate Mall.

Khubarada baareysa Xarunta Westgate ayaa helay  caddaymo muujinaya meelo ku yaal isla suuqa dhexdiisa oo Al-Shabaabku ay hubkooda ku keydsan Jireen.

Xafiiska  waayaha.net

Share This Post

Post Comment