Shaqsiyaad la sheegay inay ka mid ahaayeen weerarkii West Gate oo la shaaciyey

Shaqsiyaad la sheegay inay ka mid ahaayeen weerarkii West Gate oo la shaaciyey

London (WNT)–Mid ka mid ah Telefishinada fadhigoodu yahay Magaalada London ee dalka Ingiriiska  ayaa baahiyay Magacyada iyo halka ay ka soo kala jeedaan qaybo ka mid ah raggii hoggaanka u ahaa weerarkii sabtidii la soo dhaafay lagu qaaday xarunta Ganacsi ee West gate eek u taalla Magaalada Nairobi.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in weerarkaasi uu hoggaaminayay shaqsi horay uga tirsanaa Ciidamada Kenya laakiin markii dambe ku biiray dagaalyahannada Ururka Al-Shabaab.

Ninkaas Kenyanka ah ayaa Magaciisa lagu soo koobay Cumar kaasi oo ku dhintay weerarkii Westgate Mall ee Magaalada Nairobi d 7aadkii aan ka soo gudubnay ka dhacay.

Warbixinta ayaa intaasi ku dartay Cumar Kaasi uu teggay Soomaaliya 2005-tii iyadoo warbixintu ay xustay in xilligaasi uu tagay halka la yiraahdo Raaskaambooni oo uu kaga biiray Xarakada Al-Shabaab.

Shaqsiga 2aad ee hormuudka u ahaa weerarkaasi Al -Shabaab ayaa waxa Magaciisa lagu sheegay Khidaab oo ka shaqeynayay Maktabad Islaami ah oo fadhigeedu yahay Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya.

Ninkaan ayaa la sheegay in mar la xiray oo ay jir dileen Sirdoonka Mareykanka isagoo markii la sii daayay ku biiray dagaalyahannada Ururka Al Shabaab.

Weli waxaa socda baaritaan xooggan oo lagu hayo halkii lagu dagalamay mana jirto warbixin weli laga soo saaray oo uu adduunku ka soo saaray.

Xafiiska wararka Waayaha.net

 

 

Share This Post

Post Comment