Ogaysiis : Mudaaharaad ama Banaan baxa ka dhacaya Brussels(Bruxelles) ee dalka Belgien 16Sep2013

Ogaysiis : Mudaaharaad ama Banaan baxa ka dhacaya Brussels(Bruxelles) ee dalka Belgien 16Sep2013

Ujeedada Mudaharaadka ama Banaan baxa:

Waxaa ka soo qayb gelayo dhamaan Qurbo –joogta Ummada Somaliyeed ee ku nool qaaradda Yurubta Galbeed ayagoo ku muujiya dareenkooda ku aadan xaaladaha iyo dhibaatooyinka ka taagen dhulkoodii hooyo ayagoo dareemo kala gedisan ka qaba iyo dhibabka ka jira meel kala gedisan dalka kuwaas ay masuul ka yihiin masuuliyiinta ugu sareysa dowlada (Madaxweynaha, Gud. Barlamaanka iyo R-wasaaraha)sida : ku-xadgudubka ama wax ka bedelka Dastuurka dalka ee dowladan lagu dhisay, Xasuuq iyo Dhul boob ka jira Gobollada qaarkood( Shabeelaha hoose), Nidaamkii Ferderlisanka ahaa oo ay ka soo hor jeedan, Ku-xadgudubka iyo kufsiga lagu hayo Haweenka Soomaaliyeed iyo Barakacayaasha Muqdisho ku nool, Amni-xumidda , Dilalka iyo ku soo noqoshadda Alshabaab ee caasimadda Muqdisho  (dowladda oo lagu tuhunsan yahay la shaqeyn), Dowladdii oo ku dhex milantey Kooxo-diimeed , Koox-beeleed, Koox-haniboobeed iyo dhamaan wixii magaca Soomaliyeed oo deeq ah lagu helo ay Koox yar oo is taqaani Muqdisho la soo dhaafin, Hantiddii dadku gaarka u lahaayeen oo Muqdisho weli lagu haysto IWM .

Waxaa iyaguna mudaharaadka ka qayb qaadanaya Ummada walaalaha ah ee reer Jabuti oo iyaguna ka cabanaya Xadgudubka Madaxda Jabuuti ku hayaan arimaha Somaliya iyo dhibka ay isla wadankooda ku hayaanba oo gaaray heer aan la qiyaasi karin.

  Wuxuu dhacayaa sidatan hoos ku qoran

* Wuxuu dhacayaa ……………………….           Isniin 16/09/2013

* Saacada isu imaatinka………………..               10 ilaa 11am

* Sacada socodku bilaabanayo …………….       11.30am

*Saacada Mudaharaadku joogsanayo……       13.3pm

*Wuxuu ka dhacayaa Xarunta  …..PLACE POELAERT  1000  BRUSSELS(Bruxelles)

 *Ummadda Soomaaliyeed ee ka soo qayb gelaysa mudaharaadka waxaanu ka codsaneynaa in ay waqtiga ilaaliyaan si arrinku u noqdo mid ay qurbo joogta Soomaaliyeed ku muujinayaa dareenkooda iyo u damqashada ku aadan halka uu marayo Dalkii iyo Dadkiiba isla markaasna Waddamadda Midowga Yurub iyo Beesha Caalamkaba looga dhaadhiciyo marna inaan raali laga ahayn howshii iyo dadaalkii Beesha Caalamku, Dalalka deriska iyo Ummadda Soomaaliyeed  ku bixiyeen dib u soo nooleynta Ummadda Soomaaliyeed iyo sida ay maanta u marin habaabiyeen madaxda dowladda uga sareysa. Taas oo ah inaan waqtiga ilaalino si looga mirro dhaliyo dhib kabaxa Ummadda Soomaliyeed  Qof walba, Degmo kasta ilaa laga gaaro Dowlad Caddaalad iyo Sinaan Ummadda Soomaaliyeed ugu shaqeysa una hogaamisa *

Xusuusin : “ Fadlan waxaa xaaraan ka ahmudaharaadka ama  banaan baxa erayo Ummadda Soomaaliyeed sii kala fogeynaya ama dhaawacaya isku duubnideeda , waxaana idiin banaan oo keliya erayo ah toosin iyo wax ku dhaliilka madaxda dowladda keliya“  

Qofkii Su’aal qaba hala soo xiriiro Xafiiska Gudiga qabanqaaba

TEL.0032488282351 iyo 0032484593825

Daabacaadda Waayaha.net

Share This Post

One Response to "Ogaysiis : Mudaaharaad ama Banaan baxa ka dhacaya Brussels(Bruxelles) ee dalka Belgien 16Sep2013"

Post Comment