Guddoomiyaha gobolka Mudug oo booqasho ku tegaya dalka Denmarka

Guddoomiyaha gobolka Mudug oo booqasho ku tegaya dalka Denmarka

Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yusuf Jamac Tigey ayaa isniinta Booqasho ku tegaya Dalka denmark, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen Wasaarada Arimaha Dibada Denmark, Booqashada Gudoomiyaha oo qaadan doonta dhowr maalmood wuxuu la kulmi doonaa Masuuliyiin ka tirsan Wasaarada Kaalmada dibada Denmark iyo Hay’ado Dowli iyo gaaraba.

Wasaarada Arimaha Dibada Denmark iyo Ururka Somali Community in denmark ayaa kawada shaqeeyey imaatinka Gudoomiyaha iyo wafdi kale oo iyana Axada ka imaanaya Puntland, Gudoomiyaha Somali Community Cabdirshiid Siyaasi oo ayaa Puntlandi u sheegey in Gudoomiye Tigey uu Isniinta imaanayo Denmark, wuxuuna isagoo jaaniska ka faa’iideysanaya u gudbi doona Dalalka Scandinavianka qaarkood.

Waxaa iyana sidoo kale maalinta Axada 29 sep.2013 Denmark booqasho kutegi doona wasiirka Waxbarashada iyo Wasiirka Qoyska ee Puntland kuwasoo joogi doona mudo shan cisho ah.

Xafiiska wararka Waayaha.net

Share This Post

Post Comment